Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dhex dilay goobtiisa ganacsiga

Cape town ( Raxanreeb Online) Kooxo hubeysan oo burcad ah ayaa muwaadin Soomaaliyeed waxa ay ku dileen xaafada Strand ee magaalada Cape town ee dalka Koonfur Afrika.

Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa la sheegay in lagu dhex toogtay goobtiisa ganacsiga, isaga oo shaqadiisa ku jiray, waxaana la tilmaamay in kooxihii dilka geystay ay goobta isaga baxsadeen.

Marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Mukhtaar Cumar, waxa uuna kamid ahaa dhallinyarada ganacsiyada ku leh gudaha dalka Koonfur Afrika.

Geesta kale xubno kamid ah Jaaliyada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika, ayaa sheegay in falka dilka uu ahaa mid lasii qorsheeyay oo ay kooxaha weerarka fuliyay muqaal ay ka dubeen.

“In Muqaal toos ah la duubo iyado la fulinayo dil argagax leh ayaa ah mid cusub waxaana loo fasiran karaa fariin ay dirayaan kooxaha tirada badan ee burcada hubeeysan” ayuu yiri xubin kamid ah Jaaliyada Soomaaliyeed.

Bishan gudaheda 7 somali ah ayaa lagu dilay Location-ada Hoos-taga Magalada Cape Town ee Dalka Koonfur Afrika mana jirto talaabo looga hortagayo oo ay qaadeyso dowladda dalkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.