Muqdisho ( Raxanreeb Online) Taliyaha qeybta Booliska gobolka Banaadir Gaashaanle Mahdi Cumar Muumin, ayaa sheegay in ay soo qabanayaan raga hubeysan ee la socda banaanbaxyaasha mucaaradka, isla markaana sharciga la marsiin doono.
Waxa uu tilmaamay in la hayo xogta, sawirradooda, magacyadooda iyo dhammaan macluumadka kale ee lagu soo qaban karo askarta hubeysan sida uu hadalka u dhigay.
“Maleeshiyaadka iyo dadka la joogo guryahooda, waxaan leenahay waan la idin la xisaabtamaa, sawirradii iyo xogtii waa lahaya, shacabkana waa in ay ka fogadaan, waxa lagu sheegayo banaanbaxa qalqalka lagu gelinayo amniga caasimada” ayuu yiri taliyaha qeybta booliska gobolka Banaadir.
Gelinkii dambe shalay banaanbax rabshado wata ayaa ka dhacay Muqdisho, iyada oo muqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ay muujinayeen askar ku labisan dareeska ciidanka xoogga iyo kuwa Booliska oo la socda dadka banaanbaxa dhigyayay oo gubayay boorar uu ku sawiran yahay sawirrka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Leave a Reply