Jubbaland oo dowladda Federaalka uga digtay in ay joojiso fara-gelinta duulimaadka rayidka

Kismaayo ( Raxanreeb Online) Maamul goboleedka Jubbaland, ayaa si adag u cambaarayay tallaabada ay dowladda Federaalka ay ku hor-istaagtay diyaarad rayid ah oo ay lee dahay shirkadda Maandeeq Air, taasi oo rakaab ka qaaday Kismaayo kuna sii jeediyay magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Jubbaland, ayaa lagu sheegay in diyaarada lambarkeeduna yahay 5Y IFY, lagu qasbay in ay u leexato magaalada Muqdisho ama ay ka degto Garoonka diyaaradaha Wajeer ee dalka Kenya.

Jubbaland ayaa falkaas ku tilmaamtay mid ka hor imaanaya xeerarka iyo heshiisyada caalamiga ah ee maamulaya duulimaadyada rayidka ah, kuwaas oo mamcuunaya duulimaadyada shacabka iyo adeegyada rayidka loo adeegsan dano siyaasadeed.

Jubbaland ayaa tallaabadasi ku tilmaamtay  mid nasiib darro ah oo ay dowladda Federaalka ee wakhtigeedu dhammaaday ay mar

kale hawada Soomaaliya u adeegsanayso aalad siyaasadeed, halkii ay ka ahaan lahayd adeeg qaran oo si siman loogu adeego dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Jubaland ayaa ugu baaqday hay’adaha caalamiga ah ee qaabilsan duulista rayidka ah, gaar ahaan Hay’adda Calamiga ah ee Duulista Rayidka (ICAO) iyo dhammaan bahda caalamka, in ay si dhow ula socdaan xadgudubyadaan soo nognoqday ee ka dhanka ah duulimaadyada rayidka ah iyo xorriyadda socdaalka shacabka.

Ugu dambayn, Jubaland ayaa sheegtay in ay caddeynayso in aan la aqbali karin in shacabka Soomaaliyeed lagu cadaadiyo go’aamo siyaasadeed oo halis gelin kara badqabkooda iyo xuquugdooda aasaasiga ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.