Maamulka Gobolka oo soo saaray go’aamo culus oo ku aadan banaanbaxa mucaaradka ee Berri.

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Kulan saacado badan qaatay oo xarunta dowladda hoos ee Xamar ku dhex-maray guddoomiyaha gobolka Banaadir, ku-xigeenadiisa iyo saraakiisha kala duwan ee ciidanka Booliska gobolka Banaadir, ayaa waxaa laga soo saaro qodobo culus oo ku saabsan amniga caasimada iyo banaanbaxa mucaaradka ay ku qabanayaan Muqdisho.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Carab, ayaa warbaahinta u akhriyay amarada kasoo baxay maamulka Gobolka, waxa uuna sheegay in maamulka gobolka uu mucaaradka u ogol yahay in banaanbax ay ku qabsadaan caasimada, balse waxa uu tilmaamay in loo ogyahay oo kaliya saddex goobood ee kala ah garoonka Eng Yariisow Stadium, garoonka Stadium Muqdisho iyo garoonka Jaamacadaha ee degmada Hodam.

Waxa uu xusay in maamulka gobolka uu ka digayo in wax hub iyo agab kale oo khatar ku ah amniga lala yimaado goobaha banaanbaxa, waxa uu sheegay in amniga caasimada dedaal badan la geliyay sida uu hadalka u dhigay Afhayeenka gobolka Banaadir.

Sidoo kale Saalax Carab, ayaa sheegay in banaanbaxayaasha lagu boorinayo in ay ka fogaadan falal rabshado wata, sida in ay xiraan waddooyinka ama waxyeelo la gaarsiiyo goobaha ganacsiga ee magaalada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.