RW Kheyre ” taliska uu hoggaamiyo Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ayaa nasoo weeraray”

RW Kheyre ” taliska uu hoggaamiyo Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ayaa nasoo weeraray”

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa ka hadlay dagaalkii galabta ka dhacay Muqdisho, isaga oo sheegay in lasoo weeraray asiga iyo Ugaaska Beesha Mursade.

Kheyre ayaa tilmaamay in weerarkaasi uu ahaa isku day lagu doonayay in lagu dilo isaga iyo Ugaas Cabdirisaaq.

“Waxaa annaga oo shir kula jirna ugaaska beesha Murusade iyo odayaasha dhaqanka weerar nagu soo qaaday taliska uu hoggaamiyo Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday. Waxaan Alle ka baryayaa in uu u naxariisto intii ku dhimatay, una boogadhayo intii ku dhaawacantay.” Ayuu yiri Kheyre.

Sidoo kale Kheyre, ayaa sheegay in khasaaro kasta oo ka dhasha falkan uu mas’uuliyadiisa qaadan doono madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Khasaaro kasta oo ka dhasha falkan waxaa masuuliyaddiisa qaadaya Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday oo na soo weeraray annaga oo diyaargarow ugu jirna bannaanbaxa nabadeed ee berri noo madlan.” Ayuu yiri Ra’iisul wasaare Kheyre.

Waxaa sii kordhay xiisada siyaasadeed ee dalka sacaadihii lasoo dhaafay, iyada oo mucaaradka ay bilaabeen dhoolatus ciidan oo ku doonayay in si xoog ah ay Banaanbaxa uga qabtaan Muqdisho.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xaalada ay hadda deggan tahay, isla markaana mucaaradka ay wadaan dhaq-dhaqaaq ciidan iyaga oo ka arrinsanaya qorshahooda ku aadan banaanbaxa Berri.

Leave a Reply

Your email address will not be published.