Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxwayne hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, ayaa maanta ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo weerarkii dhowaan ay dowladda ku soo qaaday gurigiisa.
Madaxweyne Shariif, ayaa sheegay in asiga iyo siyaasiyiin kale sababta Banaanbaxa u dhigayeen ay aheyd labada ajanado oo kala, burburinta dhulka, dadka sifada sharci darrada loo xiray iyo tan siyaasiyiinta ku doonayeen in madaxweynaha ku caadiyaan in uu qabto doorasho heshiis lagu yahayn, balse waxa uu tilmaamay in dowladda ay ku hor-istaagtay awood ciidan.
Waxa uu xusay in ciidamadii uu dhismahooda qeybta ka ahaa in lagu soo weeraro oo dhibaato lagu gaarsiiyo, maadama uusan cadowgooda aheyn, taasina ay tahay mid aad loo xumaado, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale madaxweyne Shariif, ayaa sheegay in dowladda ay ka jartay Korontadii, Biyihii iyo Raashiinki, isla markaana laga hor istaagay dadkii u imaanayay.
Geesta kale madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa xaqiijiyay in ay jireen dalal Ajanabi ah oo qayb ka ahaa badbaadintiisa iyagoo diiday in la waxyeeleeyo isaga.
Inkastoo Madaxwayne Shariif uusan carabaabin dalalkaas ajanabiga ah uuna u mahadceliyay kaalintooda hadana waxaa jireen warar hoose oo sheegayay in dalalka Mareekanka iyo Turkiga ay soo faro geliyeen maalmihii ay xiisada jirtay oo uu ku sugnaa degmada Cabducaziiz.
“Madaxweyne Shariif, ayaa sheegay in macalinkii shalay in maanta uu qori sito, uuna lee yahay dalka xoog aan ku heysanaa doorashadana waa boobaya, waa wax aad looga xumaado” ayuu yiri madaxweyne Shariif.
Sikastaba, hadalka madaxweynihii hore ee dalka Shariif ayaa ku soo aadaya iyada oo weli ay cadaadis ku heysto dowladda xubnaha mucaaradka ee jooga Muqdisho.

Leave a Reply