Tehran (Raxanreeb Online) Iran ayaa markii koowaad qiratay in la dhawaacay hoggaamiyaha cusub ee dalka Iran Mojtabaa Khamenei kaas oo ka mid ahaa dadkii wax yeelladu ka soo gaadhay duqayntii Tehran ka dhacday 28-kii bishii February ee sannadkan 2026 oo ahayd maalintii ugu horraysay ee duullaanka Iran.
Sida ay sheegtay Warbaahinta Al-Carabiya, Axmed Khaatimi oo ka tirsan Golaha Khubuara ee dalka Iran ayaa shaaca ka qaaday in Mojtabaa Khamenei uu soo gaadhay dhaawac dhinaca lugaha ah taas oo keentay in mar lagu fikiray sidii Lugihiisa midkood loo goyn lahaa balse loo helay dawayn lagula tacaalay laguna badbaadiyey lugtiisa.
Qirashadan ayaa noqonaysa tii koowaad ee Iran ka soo baxday xilli Maraykanku uu hore u sheegay in ay dhawaaceen hoggaamiyaha cusub ee dalka Iran oo bishii March loo doortay in uu galo booskii uu aabbihii hayn jirey.

Leave a Reply