Faah faahin: duqeyn culus oo ka dhacday duleedka magaalada Baydhabo

Baydhabo ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa laga helaya weerar duqeymo ah oo xalay ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo, kaasi oo lala beegsaday maleeshiyaad katirsan kooxda Al-shabaab.

Duqeynta ayaa la sheegay in ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga, waxaana la tilmaamay in lala eegtay xubno katirsan Al-shabaab oo dhaq-dhaqaaqyo kawaday duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Saraakiisha ciidanka dowladda, ayaa sheegay in duqeynta ay geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo la gaarsiiyay Al-shabaab, balse ma aysan shaacin tirade rasmiga ah.

Howlgalkan duqeymaha ee dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen duleedka magaalada Baydhabo, ayaa ku soo aadaya iyada oo todobaadyo ka hor ay ciidamo taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ay weerar khasaaro dhaliyay ku qadeen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.