Maxey tahay ujeedka uu madaxweyne Xasan Sheekh u tagay magaalada Jowhar ?

Jowhar ( Raxanreeb Online) Wefdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa gaaray magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka Hir-shabeelle.

Wefdiga madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere, ku soo dhoweeyay madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-shabeelle Cali Guudlaawe, mas’uuliyiin katirsan goleyaasha heer federaalka iyo heer dowlad goboleed iyo shacab badan.

Safarka madaxweynaha ee Jowhar, ayaa ujeedkiisu yahay inuu xarig jaro mashaaric horumarineed oo waa weyn kuwaasi oo kamid ah dhismaha casriga ah ee madaxtooyada Hir-shabeelle, xarumo wasaaradood iyo waddooyin casri ah oo laga hirgiliyay magaalada Jowhar.

Magaalada Jowhar, waxaa sidoo kale ku sugan madax kala duwan kuwaasi oo dhammaantood goob joog u noqon doonaa furitaankan mashaaricda Hir-shabeelle.

Leave a Reply

Your email address will not be published.