Muqdisho ( Raxanreeb Online) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Isniinta maanta ah si rasmi ah u daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe ee Gobolka Banaadir, iyadoo sanadkan ay imtixaanka u fariisteen in ka badan 46,000 oo arday.
Imtixaanka oo lagu galayo 125 xarumood oo ku kala yaalla degmooyinka Gobolka Banaadir, ayaa loo sameeyay diyaar-garow dhameystiran oo lagu xaqiijinayo habsami-u-socodka imtixaanka, amniga xarumaha iyo ilaalinta tayada maamulka imtixaanaadka.
“Xarun kasta oo imtixaan lagu galayo waxaa la geeyay kooxo caafimaad, gaadiidka gurmadka degdegga ah iyo ciidamada dab-damiska, si loogu diyaargaroobo xaalad kasta oo soo derista inta uu socdo imtixaanka.” ayuu yiri, Cabdiraxmaan Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir.
Sidoo kale Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Muungaab, ayaa ardayda u rajeeyay guul waxa uuna sheegay in maamulka gobolka uu sanadkan sii wadi doono dhiirrigelinta iyo abaalmarinta ardayda kaalmaha hore ka gala imtixaanka, sida uu soo-jireenka ka dhigay sanadkii hore.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in sanadkan markii ugu horreysay ay imtixaanka ka qaybgalayaan arday muwaadiniin reer Suudaan ah oo waxbarasho ka dhigta magaalada Muqdisho, arrintaas oo muujinaysa kaalinta ay caasimaddu ka qaadanayso taageeridda waxbarashada iyo adeegyada bulshada ee walaalaha soo magansaday.

Leave a Reply