Shabeellaha Hoose ( Raxanreeb Online) Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaad katirsan Al-shabaab ka fuliyay degmada Kurtunwaarey ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalka ayaa lla sheegay in lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab. Intii uu socday howlgalka, waxaana la tilmaamay in lagu dilay 14 ka tirsanaa Al-shabaab.
Sidoo kale, Ciidanka ayaa sheegay in ay burburiyeen kayd hub, walxaha qarxa iyo agab kale oo Shabaab u adeegsan jirtay diyaarinta iyo fulinta falalka argagixisanimo ee lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.
Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in Howlgalkan uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ugu jiraan ciribtirka Al-shabaab, kuwaas oo ay ku eedeeyeen in ay ku caan baxay cabburinta shacabka, dhaca hantidooda iyo falalka amni-darrada ah ee ay ka geystaan deegaannada dalka.
Sidoo kale Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa xusay in ay ka go’an tahay sii wadidda howlgalada lagu xaqiijinayo amniga, xasilloonida iyo nabadda dalka.

Leave a Reply