Boeging ( Raxanreeb Online) Ugu yaraan siddeed qof, oo ay ku jiraan laba shaqaale oo ka tirsan shirkadda Boeing, ayaa dhintay ka dib markii diyaarad nooca B-52 ah oo ay leedyihiin Ciidanka Cirka ee Mareykankaay burburaykadib markii ay ka duushay Saldhigga Ciidanka Cirka ee Edwards ee koonfurta gobolka California.
Shilkan ayaa dhacay 11:20 waqtiga maxalliga ah (19:20 GMT) Isniintii xilli diyaaraddu ay ku jirtay hawlgal tijaabo ah oo caadi ah.
“Maanta, Saldhigga Ciidanka Cirka ee Edwards wuxuu la kulmay masiibo aad u xun. isagoo ku tilmaamay “shaqaale isku dhafan oo isugu jira militariga, rayidka dowladda iyo qandaraaslayaasha dowladda”ayuu yiri Kornayl James Hayes.
Saldhiggu wuxuu hore u sheegay in tilmaamaha bilowga ah ay muujinayaan in shilku aan la badbaadin karin.
Ehelada shaqaalaha ayaa la ogeysiinayaa waxaana la magacaabi doonaa 24 saacadood ka dib, sida uu Hayes ku sheegay warbixin gelinkii dambe.
Waxaa uu sheegay in shilka “gebi ahaanba la xakameeyay” gudaha Saldhigga Ciidanka Cirka ee Edwards oo ku yaal waddada diyaaradaha, saldhiggana si ku meel gaar ah ayaa loo joojiyay hawlgalladii ka socday.
Sida uu sheegay, diyaaradda B-52 waxay taageeraysay barnaamijka casriyeynta radar-ka ee saldhigga, waxayna dhacday isla markii ay kacday ka dibna dab ayaa qabsaday.

Leave a Reply