Muqdisho ( Raxanreeb Online) Guddoomiyaha KMG ah Ahna Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa baaq nabadeed kasoo saartay dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan, gaar ahaan dirirta dad walaalo ah oo isku deegaan ah ku dhexmareysa degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.
“Dagaalka murugada leh ee dhex maray dad walaalo ah oo isku deegaan ah kana dhacay Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan waa arrin culus oo aan la iska indho tiri karin, lagamana aamusi karo, waxa uuna dhaawacayaa nabadda, wadajirka bulshada iyo mustaqbalka shacabka deegaanka” ayey tiri Guddoomiyaha Kmg ah ee Golaha Shacabka.
Guddoomiye Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa ugu baaqday dhamaan waxgaradka, odayaasha dhaqanka, culimada, maamulka iyo bulshada Hirshabeelle in ay si deg deg uga howlgalaan joojinta colaadda, sidoo kalena xal waara oo nabadeed loo helo khilaafka jira.
“Annaga oo ah Gudoonka Golaha shacabka, waxaan caddeynaynaa inaan garab taagannahay dadaal kasta oo lagu joojinayo dhiigga daadanaya, laguna xoojinayo nabadda iyo walaaltinimada shacabka deegaanka” ayey hadalkeeda kusii dartay Guddoomiyaha Kmg ah ee Golaha Shacabka.
Guddoomiyaha KMG ah ahna Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa ugu dambeyn sheegtay in ay waajib tahay in la ilaaliyo nabadda, lana joojiyo waxkasta oo horseedi kara colaad hor leh, sidoo kalena danta guud iyo wada noolaanshaha bulshada ay ka muhiimsanyihiin wax walba.

Leave a Reply