Baydhabo ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa laga helaya dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo maanta duleedka magaalada Baydhabo ku dhex-maray ciidanka daraawiishta koonfur galbeed oo kaashanaya ciidanka xoogga iyo ciidamo taabacsan madaxweynihii hore ee koonfur galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu yimid kaddib markii ciidanka huwanta ah ay ku baxeen ciidanka taabacsan Lafta-gareen ee dhaq-dhaqaaqyo kawaday duleedka magaalada, waxaana la tilmaamay in halkaasi uu ka dhacay dagaal culus.
Wararka waxa ay intaas ku darayaan in dagaalka uu socday muddo saacad ku dhow, balse ilaa iyo hadda si dhab ah loo ogeyn inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee dhinacyada dagaalamayay soo kala gaaray.
Saraakiil katirsan ciidanka daraawishta koonfur galbeed, ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen mid kamid ah saldhigyadii ay kasoo duulaan tagi-jireen ayna dagaalka ku qabsadeen hub iyo maxaabiis.
Sidoo kale muqaalo lagu baahiyay baraha bulshada, ayaa lagu soo bandhigay ciidamo la sheegay in ay katirsan yihiin kuwii Lafta-gareen taageer-sanaa ee lagu qabtay dagaalkii maanta ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo.
Ilaa iyo hadda ma jiro war kasoo baxay saraakiishii hoggaamineysay ciidankii Lafta-gareen, oo ay uga hadlayaan khasaaraha dagaalka kasoo gaaray.
Ma ahan markii ugu horeeeysay oo ciidanka taabacsan Cabdicasiis Lafta-gareen iyo ciidanka dowladda ay ku dagaalamaan duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Leave a Reply