Maxkamadda gobolka banaadir oo markale dib u dhigtay dhageysiga kiiska Sacdiyo Bajaaj

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Sacdiya Macalin Cali (Sacdiyo Bajaaj) oo muddo ku dhow laba bilood xiranayd, isla markaana maanta la filayay in la horgeeyo Maxkamadda Gobolka, ayaa waajahday dib u dhac kadib markii loo sheegay in guddoomiyaha Maxkamaddu uusan imaan karin sababo la xiriira roobka da’ay.

Qareennada Sacdiya ayaa maanta soo xaadiray si ay uga qeyb galaan dhageysiga dacwadda, balse maxkamadda ayaa lagu wargeliyay in kulankii uusan qabsoomi karin.

Sacdiya ayaa weli xiran, iyadoo qoyskeeda iyo ehelkeeduba ay walaac ka muujinayaan xaaladda ay ku jirto iyo muddada ay xabsiga ku jirto.

Dib u dhaca maxkamadeed ayaa mar kale keenaya su’aalo ku saabsan waqtiga ay heli doonto fursadda ay dacwadeeda uga jawaabto, isla markaana loo cadeeyn lahaa cida saxda ah ee ay u xiran tahay, maadama dhowr mar ay sheegtay in Xeer ilaalinta ay keeni waayeen cadeeymo kiiskeeda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.