Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasaaradda Arrimaha Dibadda xukuumadda Soomaaliya, ayaa si kulul u cambaareysay qaraxii lala beegsaday maqaaxi ku taalla magaalada Dimishiq ee dalka Suuriya, kaas oo sababay dhimashada dad rayid ah oo aan waxba galabsan iyo dhaawaca tiro kale oo badan.
“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh la wadaagaysaa Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Carabta Suuriya, gaar ahaan qoysaska iyo ehelada dadkii ku geeriyooday weerarkaas, waxayna u rajaynaysaa dhammaan dadka dhaawacmay in uu Alle siiyo caafimaad degdeg ah” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.
Sidoo kale dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in ay garab istaag buuxa la garab taagan tahay Jamhuuriyadda Suuriya xilligaan adag, waxayna tilmaamtay in mar kale xaqiijinayso taageeradeeda ku aaddan amniga, xasilloonida iyo badbaadada shacabka Suuriya.

Leave a Reply