Luuq ( Raxanreeb Online) Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha dowlad goboleedka Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Gedo, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay cutubyo cusub oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta ee degmada Luuq.
Ciidamadan oo ay Wasaaradda Amniga Gudaha ku samaysay dib-u-habeyn iyo tayeyn ayaa lagu adkeeyay sare u qaadista hufnaanta iyo nidaamka amniga.
Mas’uuliyiinta ayaa ciidamada ku boorriyey inay si daacadnimo, anshax iyo wadaniyad leh u gutaan waajibaadkooda, iyagoo caddeeyay in laga bilaabo maanta ay si toos ah amar uga qaadan doonaan taliyeyaasha iyo masuuliyiinta amniga ee maamulka Jubbaland.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowlad goboleedka Jubbaland, ay ku xoojinayso amniga, dib-u-habeynta ciidamada, iyo adkeynta kala dambeynta si loo xaqiijiyo nabadgelyada shacabka Gobolka Gedo

Leave a Reply