Maxey tahay ujeedka ay guddoomiyaha KMG ee golaha shacabka u tagtay Baydhabo?

Baydhabo (Raxanreeb Online) Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo wafdi Xildhibaanno ah oo ay hoggaaminayso ayaa soo gaaray magaalada Baydhabo oo ah caasimadda KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed

Waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo kusoo dhoweeyay Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoomiyaha KMG ah ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa magaalada Baydhabo uga qeyb geli doonta xafladda caleemo-saarka Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maalmaha soo socda qabsoomi doonta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.