Ceeldheer (Raxanreeb Online) Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, oo uu weheliyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.
Degmada Ceeldheer, waxaa ka socda dadaallo lagu ciribtirayo Al-shabaab, iyadoo sidoo kale ay ka jiraan horumarro dhanka amniga ah.
Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu ahayd u kuurgelidda xaaladda amniga, qiimeynta howlgalada ka socda deegaannada gobolka, iyo dhiirrigelinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka.
Masuuliyiinta ayaa kulamo la yeeshay saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada, iyagoo warbixinno ka dhageystay xaaladda amniga, horumarka howlgalada, iyo baahiyaha jira, si loo sii xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida.
Wasiirka iyo Taliyaha Ciidanka XDS ayaa bogaadiyay geesinimada iyo naf-hurnimada ciidamada ku sugan furimaha hore, iyagoo ku dhiirrigeliyay inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda ku aaddan ciribtirka kooxaha Shabaab iyo Daacish oo dhibaato amni darro ku haya Soomaaliya.

Leave a Reply