Maxkamad ku taalla Shiinaha oo dil ku xukuntay sarkaal sare

Shiinaha ( Raxanreeb Online) Maxkamad ku taalla bariga Shiinaha ayaa ku xukuntay dil sarkaal hore oo ka tirsanaa maamulka magaalada, kadib markii lagu helay inuu qaatay laaluush ka badan 2.2 bilyan yuan (qiyaastii $325 milyan ama £243 milyan) muddo 30 sano ah.

Yang Youlin, oo xilal kala duwan ka soo qabtay magaalada Nanjing intii u dhaxaysay 1993 ilaa 2023, ayaa sidoo kale lagu helay dambiyada musuqmaasuqa hantida dowladda, ku-takrifalka awoodda iyo lacag dhaqidda. Hantida uu si sharci-darro ah ku helay ayaa ka mid noqotay kiisaska ugu waaweyn ee noocan ah sannadihii u dambeeyay.

Ninkan oo 69 jir ah ayaa xilalkiisii u adeegsaday inuu dad kale ka caawiyo helitaanka qandaraasyada dhismaha, wareejinta dhulalka iyo maalgelinta, isagoo beddelkeedana qaadan jiray lacag iyo hadiyado qaali ah, sida ay baahiyeen warbaahinta dowladda.

Yang waxaa la baaray isagoo qayb ka ah ololaha adag ee Madaxweyne Xi Jinping ee la dagaallanka musuqmaasuqa, kaas oo saameeyay saraakiisha ciidamada, madaxda bangiyada iyo hay’ado kale oo heer sare ah.

Yang, oo inta badan shaqadiisa ku qaatay horumarinta dhaqaalaha iyo teknoolojiyadda magaalada Nanjing, ayaa maxkamad ku taalla magaalada Changzhou Isniintii sheegtay, in dambiyadiisu ahaayeen kuwo “aad u culus” isla markaana ay “khasaare aad u weyn u geysteen danaha dowladda iyo shacabka.”

Tan iyo markii uu talada qabtay, Madaxweyne Xi, wuxuu bilaabay ololeyaal isdaba joog ah oo lagula dagaallamayo musuqmaasuqa.

Inkastoo xukunnada dilka ee dambiyada dhaqaale iyo musuqmaasuqa aysan badnayn, haddana mararka qaarkood waa la ridaa, gaar ahaan marka kiisasku ku lug leeyihiin lacago aad u badan oo ka badan 1 bilyan yuan.

Hase yeeshee, inkastoo Yang isaguna uu si la mid ah ula shaqeeyay mas’uuliyiinta baaritaanka, maxkamadda Changzhou ayaa sheegtay in dambiyadiisu ahaayeen kuwo “aad u culus”, isla markaana iskaashigiisu “uusan ku filnayn in lagu mutaysto ciqaab ka fudud.”

Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda, Yang wuxuu qirtay dambiyadii loo haystay, wuxuuna “muujiyay qoomamo” hadalkiisii ugu dambeeyay ee uu ka jeediyay maxkamadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.