Calanka Soomaaliya oo hoos loo dhigay muddo 3 cisho ah sabab la xiriirta geerida Amiirka Qatar

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa amar ku bixiyay in muddo saddex cisho ah hoos loo dhigo Calanka Jamhuuriyadda, si loo maamuuso amarkii Qatar ee shalay geeriyooday Hamad Binu Khalifa Al Thani.

“Iyada oo la fulinayo Amarka Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa lafarayaa dhammaan Hay’adaha Dawladda in ay hoos loo dhigaan Calanka Jamhuuriyadda, taas oo ah Dareen Walaalnimo oo Soomaaliya ay ku garab istaagayso shacabka iyo dowladda aan walaalaha nahay ee Dalka Qatar Geerida ku timid Amiir Xamad Bin Khaliifa Al Thaani” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya.

Dowladda Qatar ayaa shalay gashay 4 cisho oo baroor diiq ah, iyada oo wadankaasi ay ku sugan yihiin madax kale duwan, halka kuwo kale ay ku wajahan yihiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.