Taliyaha guutada 14-ka October oo abaabul dagaal kawada Shabeellaha Hoose

Marka (Raxanreeb Online) Wararka inaga soo gaaraya magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegay in maanta halkaasi uu gaaray Taliyaha Guutada 14-ka October ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/le Cismaan Muuse Maxamed.

Taliyaha ayaa mid mid ubooqday difaacyada Ururka 141-aad ee Guutada 14-ka October oo Fadhigiisu yahay Magaalada Marka, kormeerka kadib ayuu la hadlay Cutubyo katirsan Ururkaas oo uu kula dardaarmay inay sii adkeeyaan gudashada waajibaadka Qarankooda.

Gaashaanle Cismaan, ayaa ciidamada ku booriyay in ay laba jibaraan howlgallada ay kaga hortagayaan maleeshiyaadka Al-shabaab, waxa uuna tilmaamay in ay muhiim tahay ciidanka in ay si wanaagsan ula dhaqmaan dadka shacabka ah ee ku nool deegaanada laga saaro kooxda Al-shabaab.

Sikastaba, tan iyo wixii ka dambeeyay la wareegistiisa Xilka Taliyaha Guutada 14-ka October, G/le Cismaan Muuse, ayaa kormeer uu ku dardar-gelinayo howlaha Guutada waxaa uu ku soo maray Awdheegle, Lambar-konton, Mubaarak, Janaale iyo Marka Cadey oo uu maanta ku sugan yahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.