Baydhabo (Raxanreeb Online) Hoggaamiyaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Wasiirrada cusub ee uu dhowaan magacaabay si loo dardargeliyo howlaha horyaalla Xukuumadda iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee dowlad goboleedyadka Koonfur Galbeed.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta Golaha Wasiirrada, dardargelinta adeegyada bulshada, adkeynta maamul-wanaagga, isla markaana la isku waafajiyo qorsheyaasha Wasaaradaha si ay u noqdaan kuwo wax ku ool ah oo ka jawaaba baahiyaha shacabka Dowladda Koonfur Galbeed.
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Shekh Aadan Madoobe, ayaa Wasiirrada kula dardaarmay inay si hufan oo daacadnimo leh u gutaan waajibaadkooda, iyagoo mudnaanta siinaya adeegga bulshada, isla-xisaabtanka, iyo fulinta barnaamijyada horumarineed ee Dowladda.
Wasiirrada Magacaaban ayaa uga mahadceliyey Hoggaamiyaha kalsoonida uu siiyey, waxayna ballanqaadeen inay si wadajir ah uga shaqeyn doonaan horumarinta hay’adaha Dowladda, kor u qaadidda adeegyada bulshada, iyo xaqiijinta himilooyinka maamulka Koonfur Galbeed.

Leave a Reply