Ciidanka Kumaandooska Danab oo hawlgal burburiyay deegaanno ka tirsan Shabeellaha Hoose

Tooratoorow ( Raxanreeb Online) Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, ayaa hawlgal qorsheysan oo burburin ah ka fuliyay deegaannada Tooratoorow, Caliyoow Baarow, Doonka iyo Farsooley ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Hawlgalkan ayaa lagu bartilmaameedsaday fariisimo iyo goobo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaad katirsan Al-shabaab, kuwaas oo ciidamada ay ku burburiyeen xarumo iyo gabaadyo ay kooxdaasi u adeegsan jirtay isku abaabul iyo qorsheynta falalka amni-darrada.

Saraakiisha hoggaaminaysay hawlgalka ayaa sheegay in ujeeddada ay ahayd in la wiiqo awoodda Al-shabaab, lana baabi’iyo saldhigyada ay kaga sugan yihiin deegaannada hawlgalku ka dhacay.

Ururrada 161-aad iyo 164-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ayaa fuliyay hawlgalkan, iyagoo sii wada dadaallada lagu ciribtirayo kooxda, si loo xaqiijiyo nabadda, xasilloonida iyo badqabka shacabka Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.