Dimishiiq ( Raxanreeb Online) Wakaaladda wararka ee dalka Suuriya ee SANA ayaa ku warantay maanta oo Khamiis ah, iyadoo soo xiganaysa ilo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaasi, in mas’uuliyiinta Suuriya ay ka hortageen in shixnad hub iyo gantaallo ah laga soo daabulay xuduudka Ciraaq ee Suuriya.
Warku waxa uu intaa ku daray in baadhitaannadii ugu horreeyay ay muujinayaan in shixnaddaasi la doonayay in loo diro kooxda Xisbullah ee dalka Lubnaan.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bishii June ku dhawaaqay inuu kala hadlay madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharaa sidii looga hortagi lahaa Xisbullah.
Jabhadihii hore ee haatan maamula dalka Suuriya ayaa sanado badan la dagaallamayey ururka Xisbullah, sababtoo ah kooxda ayaa ciidamo u dirtay si ay u taageeraan madaxweynihii hore ee Suuriya Bashaar Al-Asad intii uu socday dagaalka sokeeye ee dalkaas.
Xafiiska Madaxweynaha Lubnaan Joseph Aoun ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Axmed Sharaa uu u xaqiijiyay in Suuriya aysan dhinacna ka noqon doonin arrimaha gudaha ee Lubnaan.

Leave a Reply