Golaha wakiilada Koonfur Galbeed oo maanta ansixiyay golaha wasiirrada ee maamulkaas

Baydhabo ( Raxanreeb Online) Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Dr Mahad Maxamed Sheekh Xasan oo ay wehlinayeen ku xigeennadiisa ayaa maanta guddoomiyay kulanka 5-aad Kalfadhigiisa 1aad.

Ajandaha kulankaan oo ahaa meel marinta iyo dhaarinta Xukuumadda cusub ee Dowladda Koofur galbeed Soomaaliya ayaa waxaa soo xaadiray mudanayaan gaaraya 87 Mudane.

Fadhiga Golaha Wakiillada ayaa lagu dhaariyay Golaha Wasiirrada cusub ee Dowlad goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya oo dhowaan la wareegi doona Xilkooda.

Ansixinta ka dib, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Koofur galbeed Soomaaliya Dr Mahad Maxamed Sheekh Xasan oo ku dhawaaqay natiijada Ansixinta ayaa Xukuumada iyo Barnaamij siyaasadeedkeeda u helay sharciyad buuxa oo loogu adeegi doono bulshada ku nool deegaanada koonfur galbeed soomaaliya.

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo Mudaneyaasha Golaha Wakiillada kaga mahadceliyay Ansixinta Xukuumaddiisa iyo Barnaamijka Siyaasadeed ee Dowladda ayaa ballan qaaday in wax badan ay ka qaban doonaan Deegaannada iyo Degmooyinka Dowladda iyaga oo u caddaalad samaynaya Bulshada Koofur galbeed Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.