Laascaanood ( Raxanreeb Online) War kasoo baxay Xeer-ilaalinta guud ee maamulka Waqooyi Bari, ayaa golaha wakiilada looga codsaday in xasaanadda looga qaado xildhibaan Fahiimo Yuusuf Quuje, si maxkamad loogu soo taago dacwad la xiriira hadaladii ay kaga dhawaaqday in ay ka tanaasushay arrintidii Soomaaliweyn iyo maamulka Waqooyi Bari.
Warqad kazoo baxday Xeer-ilaalinta oo ku taariikhaysan 15-ka July 2026 uuna saxiixay xeer ilaaliyaha guud Cabdullaahi Xirsi Cali codsiga lagu saleeyay qodobbada 50-aad iyo 51-aad ee dastuurka maamulka, qodobbada 7-aad iyo 8-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, iyo qodobbada 184, 218 iyo 222 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.
Sidoo kale Xeer-ilaalinta ayaa tilmaamay in xubinnimada golaha laga qaado si maxkamad loo horgeeyo, Nuqul kamid ah warqada ayaa loo diray guddoomiyaha maxkamadda sare iyo madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya.
Geesta kale Fahiima Yuusuf Quuje, ayaa xalay ku dhawaaqday inay iska casishay xubinnimadii Golaha Wakiillada ee Maamulka Waqooyi Bari. Waxa ayna tilmaamtay in ay ku hungawday aragtidii ay ka qabtay maamulka Waqooyi Bari iyo raadinta dowladnimada Soomaaliyeed.
Sidoo kale wararka qaar ayaa tilmaamaya in Fahiimo Quuje ay ku sugan tahay magaalada Addisa Ababa, isla markaana waxa ay tilmaamtay in ay ku wajahan tahay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Leave a Reply