Wada-hadalada dowladda iyo mucaaradka oo ka furmay Muqdisho

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Waxaa goordhaweyd hotel Decale ee magaalada Muqdisho ka furmay wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada mucaaradka, iyadoo kulamadan lagu doonayo in xal siyaasadeed looga gaaro khilaafka ka taagan hannaanka doorashooyinka iyo arrimo kale oo dastuurka la xiriira.

Kulamada ayaa ka socda magaalada Muqdisho, waxaana ka qeybgalaya guddiyo farsamo oo matalaya labada dhinac

Wararka ayaa intaas ku daraya in wada-hadalladan ay garwadeen ka yihiin wakiillo ka socda beesha caalamka, iyadoo la sheegay in dadaallo diblomaasiyadeed oo cusub lagu doonayo in lagu abuuro jawi ay labada dhinac isku aaminaan.

Dowladda Federaalka ayaa ku adkeysanaysa hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, halka mucaaradkuna uu soo jeediyay aragtiyo kale oo la xiriira qaabka doorashada iyo geeddi-socodka siyaasadda.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa muujiyay rajo ah in wada-hadalladu miro-dhal noqon doonaan, iyagoo sheegay in is-afgarad lagu gaari karo haddii labada dhinac ay muujiyaan tanaasul iyo wadashaqeyn.

Leave a Reply

Your email address will not be published.