Fahiima Quuje oo ka degtay magaalada Hargeysa

Hargeysa ( Raxanreeb Online) Fahiima Yuusuf Quuje oo maalmo kahor iska casishay xubnimadii golaha wakiilada Waqooyi Bari ee Soomaaliya, ayaa maanta ka degtay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Fahiima ayaa horay u sheegtay in ay ka tanaasushay aragtidii Soomaali-weyn. Garoonka diyaaradaha waxaa Fahiima ku soo dhoweeyay guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Yuusuf Faratoon iyo shacab ku farsaxsan dib u laabashadeeda.

Sido kale Fahiima ayaa markii ay ka degtay garoonka waxaa la huwiyay calanka Somaliland, waxa ayna warbaahinta ka jeedisay hadallo kooban.

Ugu horeyn waxa ay u mahad celisay mas’uuliyiintii soo dhoweysay, waxa ayna tilmaamtay in 6 sanno kaddib in ay ku faraxsan tahay inay dib ugu laabto magaalada Hargeysa.

Fahiima ayaa sheegtay in sababta ay markii hore dagaalka u gashay ay aheyd cabasho ay dadkeeda qabeen, balse la xaliyay sida ay hadalka u dhigtay.

Waxa ay carabka ku dhuftay in aysan marnaba ka maarmin Somaliland, sidaa daraadeedna ay dib ula midoowday dalkeedii.

Geesta kale maamulka Waqooyi Bari ayaa si adag uga hadlay tallaabada ay qaaday Fahiima Quuje, iyada oo Xeer-ilaalinta maamulka ay dacwad ku soo Oogtay Fahiima, isla markaana dalbatay in la horkeeno cadaaladda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.