Muqdisho (Raxanreeb Online) Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya, ayaa maanta kulankoodi todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho.
Kulanka golaha ayaa cod aqlabiyad leh ku ansxiyay xubnaha magacaabista ku imaanaya ee golaha Sare ee Garsoorka, sida uu dhigayo Qodobka 145aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 2026, kaddib soo jeedinta Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.
Golaha Wasiirradu oo uu shir guddoomiyanayay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Saalax Axmed Jaamac, ayaa meelmariyay xubnaha soo socda oo kala ah laba (2) Qareen Sare iyo laba (2) Xeeldheere Sharci oo uu xilkooduna noqonayo shan (5) sano, ka dib marka ay dhammeystiranto habraaca ansixintooda:
1. Maxamed-deeq Macalllin Aadan
2. Maryan Sheekh Cismaan
3. Cabdirisaaq Maxamed Ismaaciil
4. Cabdiqaadir Cali Macallin
Xubnahan ayaa ah kuwa keliya ee magacaabis ku imaanaya, halka xubnaha kale ee Golaha Sare ee Garsoorka ay ku imaanayaan xilkooda (Hadba Mas’uulka xilkaas haya uu ka mid noqonayo golahan), waxayna xilalkan kala yihiin:
1. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare
2. Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuurka
3. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka
4. Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Kore ee Dowlad goboleedyada iyo Maamulka Caasimadda Jamhuuriyadda
5. Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqda Aadanaha.
Sidoo kale golaha ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyihii Golaha Tacliinta Sare, waxayna xilkaas u magacaabeen Maxamuud Axmed Jimcaale.
Ugu dambayn Golaha Wasiirrada Xukuumadda, ayaa meel-mariyey Hindise-sharciyeedka Dhaqanka iyo Farxashanka iyo Heshiis u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Cummaan kaasi oo diirrada saaraya iskaashiga Gaadiidka Cirka. Axdiga Dhallinyarada Afrika kaasi oo awoodda saaraya in dhallinyarada laga qaybgaliyo go’aannada siyaasadda iyo doorka dowladaha ee horumarinta dhallinyarada Afrika.

Leave a Reply