Iran oo ka hadashay tirada dadkii ku dhintay weeraradii ugu dambeeyey ee Mareykanka

Iran oo ka hadashay tirada dadkii ku dhintay weeraradii ugu dambeeyey ee Mareykanka

Tehran ( Raxanreeb Online) Wasaaradda Caafimaadka ee Iiraan: 53 qof ayaa ku dhintay weerarradii ugu dambeeyay ee Maraykanka.

Sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Iiraan, illaa 53 qof ayaa ku dhintay meertadii ugu dambaysay ee weerarrada Maraykanku ku qaaday Iiraan.

Sida ku xusan xogta ay soo saartay wasaaraddu, dhimashadan ayaa dhacday muddadii u dhaxeysay 27-kii Juun illaa subaxnimadii 22-ka July.

Agaasimaha Xidhiidhka Dadweynaha iyo Xogta ee Wasaaradda Caafimaadka Iiraan, Hossein Kermanpour, oo xogtan ku baahiyay barta X, ayaa sheegay in 592 qof ay sidoo kale ku dhaawacmeen weerarrada Maraykanka.

Si kastaba ha ahaatee, ma aanu caddayn inta ay le’eg tahay tirada dadka dhintay ee millatariga ah iyo inta ay le’eg tahay tirada rayidka ah.

Sida ay sheegayaan warbixinnada warbaahinta Maraykanka, ugu yaraan 18 askari oo milatariga Maraykanka ah ayaa ku dhintay tan iyo markii uu bilowday Dagaalka Maraykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iiraan bishii March ee sannadkii hore.

Leave a Reply

Your email address will not be published.