Mandheera ( Raxanreeb Online) Faah faahino dheeraad ah ayaa laga kasoo baxaya weeraro kala duwan oo kooxda Al-shabaab, ay ka geystay magaalooyinka Arabia iyo Fino ee ismaamulka Mandheera ee dalka Kenya.
Weeraradan ayaa la sheegay in ay dhaceen sacaadihii lasoo dhaafay waxaana ka dhashay dhaawaca 1 qof oo shacab ah, sida ay sheegeen laamaha amniga.
Saraakiisha amniga ee Mandheera, ayaa tilmaamay in ciidamada ay ka jawaabeen weerarka, isla markaana ay ku raad jogaan xubnihii weerarka fuliyay oo ay shegeen in ay yihiin maleeshiyaad katirsan Al-shabaab.
Sidoo kale xubnaha weerarka geystay ayaa la tilmaamay in ay gaarayeen 10 ruux, isla markaana hadda uu socdo howlgallo lagu raadinayo sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa. Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka uu dhacay xiliga Salaada Maqrib la galayay.
Sikastaba, dowladda Kenya ayaa todobaadkii lasoo dhaafay waxa ay ciidamo dheeraad ah geysay xadka ay la wadaagto Soomaaliya, waxaana ujeedka ciidamada loo geeyay halkaasi ay tahay inay ka hor tagaan weerarada mararka qaar ay Al-shabaab ka geystay gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Leave a Reply