Garoowe ( Raxanreeb Online) Hoggaamiyaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa u amba-baxay magaalada Abu-dhabi ee dalka isu-tagga Imaaraatka Carabta.
Deni ayaa la sheegay in gelinkii dambe ee shalay ay diyaarad ka qaaday magaalada Garoowe, isla markaana uu sii maray magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.
Madaxtooyada maamulka Puntland, kama aysan hadlin safarka uu Siciid Deni ku aaday Imaaraatka Carabta, iyo waxa uu ku qotomo.
Socdaalka hoggaamiyaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa imaanaya xili xiriirka diblumaasiyadeed ee dowladda federaalka iyo Imaaraatka Carabta uu yahay mid aan wanaagsaneen muddooyinkii dambe.
Ma ahan markii ugu horeeysay oo uu hoggaamiyaha Puntland safar aan la ogeyn waxa uu salka ku hayo uu ku tago dalka Imaaraatka Carabta.

Leave a Reply