Shabeellaha Hoose ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay ciidanak xoogga dalka iyo maleeshiyaad katirsan A-shabaab oo ka dhacay deegaankka Sumadaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Bayaan kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay dagaal ku qaadeen deegaanka Sumadaale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo waayahii ugu dambeeyay ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyada katirsan kooxda Al-Shabaab.
Ciidamada ayaa la tilmaamay in ay beegsadeen fariisimihii iyo godadkii gabbaadka u ahaa maleeshiyada , iyagoo burburiyay goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen, kuna guuleystay inay ka saaraan deegaanka.
Sidoo kale bayaan wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu xusay in ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay haatan sii wadaan howlgallada lagu xaqiijinayo amniga deegaanka, iyadoo oo weli sii baacsanaya maleeshiyaadkii iyo horjoogayaashii goobta ka baxsday.
Ugu dambeyn wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa lagu xaqiijinayay in gulufka ka dhanka ah Al-shabaab, uu sii socon doono, si dalka looga ciribtiro dalka.

Leave a Reply