Wasiirrada arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Kenya oo kulan xasaasi ah yeeshay

Addis Ababa ( Raxanreeb Online) Wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliya Cabdisalaan Cali, ayaa kulan labo geesood ah la yeeshay Ra’iisul wasaare kuxigeenka Kenya Hon Musalia W Mudavadi.

Qoraal lagu baahiyay bogga wasaaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wasiir Cabdislaan, inta uu socday Kalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika, uu kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, Hon Musalia W Mudavadi.

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay horumarradii ugu dambeeyay ee la xiriira arrimaha socdaalka, iyagoo ku heshiiyay in la xoojiyo iskaashiga iyo isku-duwidda arrimaha qunsuliyadaha iyo fududeynta isu socodka shacabka labada dal.

Leave a Reply

Your email address will not be published.