Gaalkacyo ( Raxanreeb Online) Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa kormeer ku tegay goobaha ay ka socotay codbixinta doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee degmada Gaalkacyo.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa bogaadiyey sida nabdoon ee ay u socoto codbixintu, isaga oo sheegay in shacabka Gaalkacyo ay maanta muujiyeen sida ay uga go’an tahay ka qaybgalka geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka tooska ah.
“Waxaan saaka soo kormeeray hannaan-socodka goobaha codbixinta doorashooyinka Galmudug ee degmada Gaalkacyo, oo muddo ku dhow qarni ay ugu dambaysay in doorasho toos ah laga qabto. Waa maalin taariikhi ah oo muujinaysa rabitaanka shacabka iyo horumarka dalka ee ku aaddan dimuqraadiyadda,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenku.
Ugu dambayn, wuxuu u mahadceliyey shacabka, guddiyada doorashooyinka iyo hay’adaha amniga doorkooda ku aaddan qabsoomidda doorasho xor ah, nabdoon, isla markaana hufan

Leave a Reply