Maxaa looga hadlay kulan maanta ee golaha wasiirrada Koonfur Galbeed ?

Baydhabo ( Raxanreeb Online) Hoggaamiyaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guddoomiyey kulanka golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed, kaas oo diiradda lagu saaray adkaynta amniga, dardargelinta mashaariicda horumarineed iyo xaaladaha bani’aadannimo ee ka jira deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed.

Golaha Wasiirrada ayaa warbixinno ka dhageystay Wasiirka Amniga, kaasi oo faahfaahin ka bixiyey xaaladda guud ee amniga, guulaha laga gaaray sugidda nabadgelyada iyo qorshayaasha lagu sii xoojinayo la dagaallanka kooxaha amniga qalqal geliya, si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo xasillooni ay bulshada ku noolaato.

Sidoo kale shirka waxaa lagu lafaguray dardargelinta hirgelinta mashaariicda horumarineed ee dowladda, iyadoo xoogga la saaray mashaariicda adeegyada bulshada, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo sidii loo hubin lahaa in si hufan loogu fuliyo bulshada deegaannada Koonfur Galbeed.

Golaha wasiirrada ayaa si qoto dheer uga hadlay arrimaha bani’aadannimada, gaar ahaan gurmadka loo fidinayo bulshada ay saameeyeen abaaraha, isbeddelka cimilada iyo duruufaha kale ee bani’aadannimo. Golaha ayaa adkeeyey muhiimadda iskaashiga dowladda, hay’adaha samafalka iyo saaxiibada caalamiga ah si loo xoojiyo taageerada loo fidinayo shacabka nugul.

Ugu dambeyn Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa faray dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda inay laba jibbaaraan dadaallada lagu xaqiijinayo amni waara, horumar muuqda iyo adeegyo tayo leh oo si toos ah u taabanaya nolosha bulshada, isagoo xusay in Dowladda ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta adeegyada dadweynaha iyo xoojinta dowladnimada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.