Dhuusamareeb ( Raxanreeb Online) Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka madax-banaan ee Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada goleyaasha deegaanka iyo Wakiilada ee dowlad goboleedka Galmudug oo dhacday 1-dii bishan Luulyo.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in doorashada ay ku tartameen 16 Urur siyasadeed, isla markaana codadka la dhiibtay ay gaarayan 197,971 cod, halka codadka ansaxay ay yihiin 191,504, waxa uuna carabka ku dhuftay guddoomiyaha in codadka xumaaday ay garayaan 6,467.
Ururka Cadaalad iyo Wadajir ayaa noqday Ururka ugu codka badan isaga oo helay 135,247 cod, taas oo u dhiganta in ka badan kala bar codadkii la dhiibtay, waxaana uu ku guuleystay 63 kursi oo ka mid ah kuraasta golaha wakiillada.
Ururka Towfiiq ayaa kaalinta labaad galay isaga oo helay 26,003 cod, waxa uuna helay 12 Kursi.
Sidoo kale Ururka Sincad ayaa helay 12,867 cod, waxa uuna helay 6 Kursi, halka Ururka Karaama uu helay 10,668 cod, uuna helay 5 Kursi.
Geesta kale qaar kamid ah Ururada siyaasadeed ee tartamayay ayaa muujiyay in aysan ku qanacsaneen natiijada doorashada iyo sida loo maamulay intaba.
Sikastaba, Guddiga doorashooyinka madaxa-banaan iyo Sohdimaha, ayaa ka jawaabin cabashada ay qabaan qaar kamid ah Ururada tartamayay.

Leave a Reply