Kismaayo ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qaabilay wefdi uu hogaaminayay Xildhibaan Ronny Jackson, oo ka koobnaa 11 Xildhibaan oo ka tirsan Koongareeska Maraykanka, Ku-simaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya, Justin Davis, iyo masuuliyiin kale.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga laba geesoodka ah ee dagaalka lagula jiro argagixisada, iyo sidoo kale taageerada Dowladda Maraykanka ee dhinacyada amniga, dhismaha hay’adaha dowlada, iyo arrimaha kale ee muhiimka u ah horumarka Jubaland.
Masuuliyiinta heerka Sare ah ee kasocday Dowladda Maraykanka ayaa bogaadiyey dadaallada joogtada ah ee Dowladda Jubaland ay sannado badan ku bixisay la-dagaallanka argagixisada. Waxay sidoo kale bogaadiyeen guulihii u dambeeyey ee ay gaareen Ciidamada Ammaanka Jubaland iyo Kumaandooska Danab qeybta Jubaland, oo iyagoo kaashanaya AFRICOM fuliyey hawlgallo wadajir ah oo lagu wiiqayo kooxda Al-shabaab.
Madaxda Jubaland ayaa uga Mahad celisay Dowladda Maraykanka taageerada joogtada ah ee ay mudada dheer u fidinaysay shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale madaxweyne Axmed Madoobe, waxaa kulanka ku weheliyey Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin, Xoghayaha Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka 11-aad ee Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Mursal Maxamed Khaliif, Guddoomiyaha Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanka Soomaaliya iyo Maraykanka iyo Xildhibaan Cabdirashiid Jire Qalinle, Wakiilka Dowladda Jubaland ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.


Leave a Reply