Soomaaliya oo 24 diyaaradood oo dagaal ah ka iibsaneyso Pakistan iyo XOG

Islamabad ( Raxanreeb Online) Ilo wareedyo wargal ah ayaa inoo sheegay in heshiiska iskaashi ee difaac oo shalay wasiirka gaashaandhiga Soomaliya Axmed Macalin Fiqi uu Magaalada Islamabad kula saxiixday dhigiisa dalka bakistan ay muujinayaan in heshiiska ay ku jirto in Soomaliya ay bakistaan ka iibsato 24 diyaaradood oo ah nuuca dagaalka ee JF-17 Block III oo ay soo saarti bakistaan waxaana ku kacaya lacag dhan $900 milyan (Sagaal boqol oo milyan oo dollar.

Xogaha ay bixinyaan warbahinta gudaha Bakistaan oo arintan aad wax oga qoraya ayaa intaas ku daraya in lacagta diyaaradhaas lagu iibinayo ay dowlada Soomaliya ka caawineyso boqortooyada sucuudiga oo sidaan oo kale bishii Febraayo heshiis iskaahi difaac la gashay dowlada federaalka .

Qorshahan difaac ee isku xiraya Riyaad, Muqdisho ilaa Islaamabad ayaa xogaha tilmaamayaan in uu salka ku hayo iska caabin la xariirta culeyska dublumaansiyadeed ee israaiil ay ku hayso geeska afrika ilaa gacanka carabta .

Pakistaan ayaa sannadihi lasoo dhaafay Muqdisho usoo dirtay tababarayaal ciidanka cirka Soomaliya ka caawiya dhinaca hawada iyo Soo saarista Bayloodyo xirfad sare leh taasoo la aaminsanyahay inay hordhac u ahayd qorshahan ay dowladda Soomaaliya wato, isla markaana ku aadaan in ciidanka cirka Soomaaliya la qalabeeyo, si loo wiiqo loona burburiyo kooxaha argagaxisada ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.