Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabis iyo isbadal ku sameeyay agaasimeyaasha Guud ee qaar ka mid ah wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya, oo loogu gon-lee yahay si dardargaliyo hawlihii socday.
Ra’iisul wasaare Xamsa oo ku saleeyay qodobada 119-aad, farqada (D) ee DastuurkaKMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaana xilalka cusub loo magacaabay saddex Agaasime.
Mas’uuliyiinta la magacaabay waxaa kamid ah Dr. Maxamed Saneey Dalmar oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Mudane Axmed Yuusuf Cabdulle oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Mudane Cabdullaahi Xasan Aadan oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa agaasimayaasha kula dardaarmay kula dardaarmay inay si furan u gutaan waajibaadka wasaaradaha loo igmaday.

Leave a Reply