Hargeysa ( Raxanreeb Online) Taliska Booliska Somaliland, ayaa ka hadlay qarax xalay ka dhacay magaalada Hargeysa, kaasi oo geystay.
War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska Booliska Somaliland ayaa lagu sheegay in qaraxaasi uu sababay dhaawaca afar qof oo labo ka mid ah yihiin shacab, halka labada kalana yihiin askar, kuwaas oo hadda lagula tacaalayo isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.
Booliska Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in baaritaannadu ay weli socdaan, isla markaana si faah faahsan uga hadli doonaan wax sabab dhacdada.
“Waxaa bambo-gacmeed ku qaraxday goob ay fadhiyeen laba askari oo ka tirsan ciidanka milatariga Somaliland, taas oo sababtay dhaawaca labada askari iyo laba qof oo shacab ah oo ku sugnaa goobta. Dhammaan dadka dhaawacmay waxa loo gudbiyey isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Sidoo kale Booliska ayaa sheegay in bam-gacmeedka ay dhulka kaga dhacday mid kamid ah askarta dhaawacmay, isla markaana ay baaritaano kale socdaan.

Leave a Reply