Muqdisho ( Raxanreeb Online) Muwaadin u dhashay dalka Yemen, isla markaana lagu magacaabi jiray Fikri Xasan Al-Misbahi, ayaa ku geeriyooday gudaha masaajid ku yaalla Soomaaliya, kaddib markii la sheegay in dhowr jeer lagu dhuftay toorey xilli uu ku jiray gudashada salaadda Jimcaha.
Ehelada marxuumka ayaa sheegay in Fikri uu dhaawacyo culus soo gaaray, balse uu ugu dambeyn u geeriyooday dhaawacii soo gaaray Walaalkiis Maxamed Xasan Al-Misbahi, ayaa sheegay in marxuumka dhowr jeer la tooreeyey.
Fikri Xasan Al-Misbahi ayaa Soomaaliya u yimid arrimo shaqo, isagoo doonayay inuu helo fursad uu ku horumariyo noloshiisa iyo taageerada qoyskiisa. Sida ay qoyskiisu sheegeen, wuxuu hore uga soo shaqeeyay Saldhigga Korontada Al-Mansuurah ee magaalada Cadan, ka hor inta uusan Soomaaliya u soo qixin, waxa uuna hadda raadinayay shaqeyso dhinaca korontada.
Ehelada marxuumka ayaa ku tilmaamay Fikri inuu ahaa qof leh akhlaaq wanaagsan, isla markaana lagu yaqaanay dhaqan wanaagsan iyo la macaamil wanaagsan oo uu la lahaa dadka.
Qoyska ayaa sidoo kale sheegay in falka lagu tuhunsan yahay inuu geystay muwaadin Soomaali ah, balse ilaa hadda ma jiraan faahfaahin rasmi ah oo si cad u qeexaysa sababta loo dilay.
Ehelada Al-Misbahi ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha ammaanka inay si buuxda u baaritaan dhacdadan, si loo ogaado waxa sababay dilka iyo cidda mas’uulka ka ahayd. Waxay sidoo kale dalbadeen in haddii la helo qofkii falka geystay, loo maro waddada sharciga oo cadaaladda la horkeeno.

Leave a Reply