Musharixiinta u tartamaya xilka guddoomiyaha golaha shacabka oo…

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, halkaas oo lagu dardar-gelinayo howlaha la xiriira doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Kulanka ayaa lagu guddoonsiiyey shahaadada musharraxnimada tartanka Guddoomiyaha Golaha Shacabka laba xildhibaan oo u taagan xilkaasi, kuwaas oo kala ah Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Xildhibaan Cabdulqaadir Cumar Macalin.

Guddiga ayaa labada musharrax si rasmi ah u guddoonsiiyey shahaadooyinka musharraxnimada, taas oo muujinaysa in ay dhammeystireen hannaanka looga baahan yahay musharraxiinta u tartamaya xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ka mid ah howlaha muhiimka ah ee Baarlamaanka, iyadoo indhaha lagu hayo habraaca ay Guddiga Doorashadu u maamulayaan tartanka iyo tallaabooyinka xiga ee la xiriira doorashada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.