Maxaa ka jira in Jeneral Jimcaale oo isku dhiibay Puntland?

Maxaa ka jira in Jeneral Jimcaale oo isku dhiibay Puntland?

Garoowe (Raxanreeb Online) Sida wararka sheegayaan waxaa weli go’aankoodii federaalka ka tanaasulin ciidanka Danab ee hoggaamiyo Jeneral Jimcaale Jaamac Takar, kuwaas oo saldhigoodu yahay magaalada caasimadda ah ee Garoowe.

Guddi ka mid ah waxgaradka gobolka Nugaal, ayaa ku jira arrinta ciidankan, kuwaas oo dowladda Puntland ka sugayso xalka kama dambays ah.

Guddigan waxay hore u sheegeen in ay xal ka gaareen xiisadda dowladda iyo ciidanka Danab, balse taasi ma dhaqangelin.

Qaar ka mid ciidamadii federaalka ee ku sugnaa deegaannada Puntland ayaa dhowaan dagaal lagu qabtay, halka kuwa is dhiibeen, kuwana ka talaabeen deegaannada Puntland oo u galeen maamullada Galmudug iyo Waqooyi Bari.

Sidoo kale waxaa jira kuwa weli ku sugan deegaannadeeda maamukka Puntland, kuwaas oo aan u hoggaansamin hadalkii madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ee ahaa in ay 48 saac gudaheed ah isku soo dhiibaan ciidanka ammaanka Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.