Muxuu hoggaamiye Aadan Madoobe kala hadlay madaxa xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ?

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Hoggaamiyaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay Madaxa Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Vikram Parekh iyo Christopher Laker Ku-xigeenka Wakiilka Deganaanshaha ee UNDP.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee deegaannada Koonfur Galbeed, xoojinta wada-shaqeynta Dowladda Koonfur Galbeed iyo Qaramada Midoobay arrimaha siyaasadda, amniga, dib-u-heshiisiinta iyo taageerada dhinacyada horumarinta iyo arrimaha bini’aadantinimada.

Hoggaamiyaha ayaa uga mahadceliyey Qaramada Midoobay taageerada ay si joogto ah u siiso Soomaaliya gaar ahaan bulshada ku nool deegaannada Koonfur Galbeed, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo wada-shaqeynta labada dhinac.

Kulanka ayaa qeyb ka ahaa kulamada uu Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Magaalada Muqdisho kula yeelanayo madaxda iyo hay’adaha kala duwan si loo dardargeliyo wada-shaqeynta iyo horumarinta danaha shacabka Koonfur Galbeed.

kulanka Hogaamiye Shekh Aadan waxaa kala qeybgalay mas’uuliyiin katirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.