Buurhakaba ( Raxanreeb Online) Wararka inaga soo gaaraya degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, ayaa ku waramaya in ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka ciidamada midowga Afrika (AUSSOM), ay isaga baxay qeybo kamid ah magaalada..
Ciidamadan ayaa fariisimo ku lahaa goobo muhiim ah oo ku yaalla degmada Buurhakaba, waxaana la tilmaamay in ay u dhaq-dhaqaaqeen dhinaca iyo deegaannada kale ee gobolka Baay.
Ciidamadan ayaa la sheegay in muddo dheer ah ay ku lahayeen fariisimo muhiim ah oo ay uga qeyb qaadanayeen dagaal kooxda Al-shabaab ee ka socda deegaannada maamulka Koonfur Galbeed.
Amniga magaalada, waxaa la wareegay Ciidanka Danab ee xoogga dalka, kuwaasi oo muddooyinkii dambe howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ka sameeynayay halkaasi.
Sidoo kale ciidamada Itoobiya ayaa tan 2014-kii waxa fariisintan u aheyd mid muhiim ah iyaga oo inta badan degmada Buurhakaba ka difaaci jiray weerarada kooxda Al-shabaab kusoo qadaan magaalada.
Sikastaba, tallaabadan ayaa ku soo aadeysa xilli howlgalka AUSSOM uu wajahayo caqabado dhaqaale oo culus.



Leave a Reply