Mas’uuliyiin katirsan dowladda oo ka qeyb galay shir muhiim ah oo ka dhacay dalka Masar

Qaahira (Raxanreeb Online)Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cabdikariin Cabdow Xeydar, ayaa magaalada El Alamein ee dalka Masar kaga qaybgalay Shirweynaha Caalamiga ah ee International AirShow, kaas oo ay isugu yimaadaan wasiirrada gaadiidka iyo duulista, madaxda duulista rayidka ah iyo masuuliyiinta hay’adaha maamulka hawada iyo duulimaadyada.

Intii uu socday shirweynaha Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cabdikariin Cabdow Xeydar, ayaa kulan doceed la qaatay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada dalka Masar Mudane Dr. Samix Xanafi.

Kulanka labada masuul ayaa looga hadlay xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga labada dal.

Sidoo kale kulanka waxaa lagu soo hadal qaaday xog ku saabsan halka uu marayo qorshaha dib-u-soo-celinta diyaaraddii Somali Airlines. Masarna waxay ballanqaadday inay Soomaaliya khibrad ahaan uga caawin doonto qorshaha horumarinta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Ugu dambeyn Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS Xildhibaan Cabdikariin Cabdow Xeydar, ayaa uga mahadceliyay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Masar garab istaagga iyo taageerada uu u fidiyo horumarinta duulista Soomaaliya

Leave a Reply

Your email address will not be published.