Gaalkacyo ( Raxanreeb Online) Wasiiro iyo mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Mudug ayaa wada dadaallo lagu baadi-goobayo laguna soo qabanayo gacan-ku-dhiiglayaashii ka dambeeyay dilka Marxuum Sheekh Axmed Yuusuf Haamay, oo maalmo ka hor lagu dilay magaalada Gaalkacyo.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in ay muhiim tahay in si degdeg ah loo ogaado cidda ka dambeysay falka iyo sababta keentay dilka, iyadoo ciidamada ammaanka lagu boorriyay inay xoojiyaan baaritaannada iyo howlgallada lagu raadinayo eedeysanayaasha.
Dilka Sheekh Axmed Yuusuf Haamay ayaa bulshada ku reebay murugo iyo walaac, waxaana jira baaqyo loo jeedinayo hay’adaha ammaanka iyo maamulka gobolka Mudug in gacanta lagu soo dhigo dadka lagu tuhunsan yahay falka, si loo marsiiyo sharciga.
Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale ku baaqaya in bulshada ay ciidamada ammaanka la wadaagaan xog kasta oo gacan ka geysan karta baaritaanka, iyadoo laga digayo in aan la qaadan tallaabooyin aargoosi ah oo xaaladda uga sii dari kara.
Wixii ku soo kordho warkan kala soco

Leave a Reply