Fahad Yaasiin oo cambaareeyey dhimista lacaga loo qoondeeyo Askarta dhimatay

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA), Fahad Xaaji Yaasiin Daahir, ayaa cambaareeyay go’aan uu sheegay in lagu dhimay xuquuqda dhaqaale ee loo qoondeeyo hawlgabka, ciidamada ku naafoobay difaaca dalka iyo qoysaska askartii ku dhimatay gudashada waajibaadkooda qaran.

Fahad Yaasiin ayaa sheegay in dadkaasi ay mudan yihiin daryeel iyo taageero joogto ah, maadaama ay qayb muhiim ah ka qaateen difaaca dalka, halka qaar kalena ay waayeen xubno qoyskooda ka mid ah oo ku dhintay gudashada waajibaadkooda.

Wuxuu sidoo kale walaac ka muujiyay in wax laga beddelo lacagaha loo qoondeeyay qaybahan, isagoo dowladda ugu baaqay inay caddeyso sababta iyo saldhigga go’aanka lagu dhimay xuquuqda dhaqaale.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay jiraan dood iyo walaac ku saabsan daryeelka hawlgabka ciidamada, askarta ku naafoobay dagaallada iyo qoysaska askarta ku dhimatay howlgallada dalka.

Fahad Yaasiin ayaa ugu baaqay dowladda inay dib u eegto go’aanka, isla markaana mudnaanta siiso daryeelka dadka naftooda iyo caafimaadkooda u huray difaaca Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.